Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Ciidamada Ruushka oo gantaallo ku garaacay Magaalada Mariopol-Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   
Daawo: Ciidamada Ruushka oo gantaallo ku garaacay Magaalada Mariopol-Ukraine

BBC-da ayaa xaqiijisay muuqaal muujinaya gantaallo ay ciidamada Ruushka ku garaaceen magaalada koonfurta dhacda ee Mariupol.

Gantaalladan ayaa ku habsaday dhismooyin ku yaalla halkaas.

Arrintani waxay dhacday Axaddii kadib duqeyn joogto ah ay militeriga Ruushka ku hayeen magaalada Mariupol.

#Breaking

Heavy shelling by Russian forces has restarted this morning in #Mariupol#Ukraine.

pic.twitter.com/eOTXXBSDjz

— Daniele Palumbo (@Danict89) March 13, 2022

Mas’uuliyiinta Ukraine waxay sheegeen in magaaladan ay xuddun u aheyd duqeynta Ruushka tan iyo 2-dii bishan March, waxaana ku dhintay duqeymaha dad lagu qiyaasay 2,187.

Waxaana magaalada ku go’doonsan 400,000 qof oo aan heysan biyo, cunto iyo dawooyin.

Waxaa lagu guuldareystay dadaallo dowladda Ukraine ay ku dooneysay inay ugu gurmato shacabka Mariupol kadib duqeymaha Ruushka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this