Sign in to follow this  
Deeq A.

Saxafi Mareykan ah oo Askarta Ruushku ku dileen Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Saxafi Mareykan ah oo Askarta Ruushku ku dileen Ukraine

.
Brent Renaud

Saxafi Maraykan ah oo ka shaqeynayay Ukraine ayaa lagu dilay magaalada Irpin ee duleedka Kyiv, sida ay booliisku sheegeen.

Brent Renaud oo 50 jir ah ayaa ahaa wariye iyo filim sameeye horay uga soo shaqeeyay wargeyska New York Times.

Taliyaha booliska ee Kyiv Andriy Nebytov ayaa sheegay in wariyaha ay beegsadeen askarta Ruushka. Labo wariye oo kale ayaa la dhaawacay kuwaas ooh adda lagu dawynayo isbitaal.

Waa dilka wariyihii ugu horreeyay oo ajnabi ah oo ka soo warramaya dagaalka Ukraine.

Mid ka mid ah wariyeyaasha la dhaawacay oo lagu magacaabo Juan Arredondo ayaa u sheegay wariye Talyaani ah inuu la socday Brent Renaud markii ay rasaasta la dhaceen.

“Waxaan dul joognay mid ka mid ah buundooyinka ugu horreeya ee Irpin, waxaan u soconnay inaan filim ka duubno qaxootiga kale ee baxaya, waxaanan fuulnay baabuur,” ayuu ku yiri muuqaal lagu daabacay Twitter-ka.

“Qof baa buundada kale na geeyay, waxaanna ka gudubnay jid gooyo, markaas ayay rasaas nagu bilaabeen. Darawalkii yaa ka laabtay halkii aan u soconnay, balse rasaasta inagama ay joojin, annagoo labo ah un baa haray. Saaxiibkay waa Brent Renaud, waana la toogtay oo waa laga tagay…waxaan arkay isaga oo qoorta laga toogtay.”

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya aqoonsiga saxifinimo ee Renaud oo uu soo saaray New York Times.

War qoraal ah oo uu wargeysku soo saaray ayuu ku sheegay, in ay aad uga xun yihiin in maqalka geerida Renaud, waxayse sheegeen in uusan ka shaqaynayn wargeyskooda qeybtiisa ka soo baxa dalka Ukraine.

”Renaud ayaa ugu danbeysay in uu warbixin u daabaco wargeyska 2015”, Times ayaa tiri, aqoonsiga saxafada ee uu ku sitay Ukraine ayaa ahaa sanado ka hor.

NBC News ayaa sheegtay in “fikirkooda iyo ducadooda” ay la jirto qoyska Renaud, waxayna amaaneen “wax ku darsiga muhiimka ah” ee uu u sameeyay warbixinnada NBC News, isaga oo intaa ku daray in aanu iyaga uga shaqayn Ukraine.

.
Brent iyo walaalkiis

‘U sheeg aduunka waxa ay sameeyeen’

Renaud waxa uu u shaqayn jiray dhawr hay’adood oo warbaahinnada Maraykanka ah, waxaana uu ka soo warami jiray Afgaanistaan, Ciraaq iyo Haiti. Waxa uu ku guulaystay Abaalmarinta Peabody Award oo uu ku muteystay shaqadiisa taxanaha 2014 ee dugsiyada Chicago.

Wuxuu inta badan ka garab shaqeynayay walaalkii Craig, oo ahaa filim sameeye, waxaana saldhig u ahaa New York iyo Arkansas. Lama oga in Craig uu sidoo kale u safray Ukraine.

La taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa u sheegay CBS News in wadanku uu u keeni karo “cawaaqib ku habboon” oo ka dhan ah Ruushka, dhimashada Renaud darteed.

“Tani waxay qeyb ka tahay gardarrada ay Ruushka ku hayaan dadka rayidka ah, waxay bartilmaansadaan isbitaallada, waxay beegsadaan goobaha cibaadada iyo sidoo kale suxufiyiinta” ayuu yiri.

Dhimashada Renaud ayaa ku soo beegantay wax ka yar labo toddobaad ka dib markii saxafi u dhashay Ukraine oo lagu magacaabo Yevhenii Skaum, oo u shaqaynayay kanaalka LIVE ee Ukraine, la dilay markii anteenada TV-ga ee Kviv lagu garaacay madaafiic.

Maalmo ka dib, saxafi British ah oo ka warramayay dagaalka Ukraine ayaa toogasho lagu dhaawacay ka dib markii rasaas lagu furay magaalada Kyiv.

Madaxa Sky News, Stuart Ramsay iyo afar saaxiibadiis ah ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Ukraine markii weerar gaadmo ah lagu qaaday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this