Deeq A. Posted March 14, 2022 Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa shaaciyay in ay dib u fasaxeen doorashada kursiga HOP#204 oo ay horay u hakiyeen. Kursigaan oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baydhabo ayaa waxaa horay ugu fadhiyay xildhibaan Macalin Cali Aadan. Guddiga ayaa horay u sheegay in soo xulista ergada kursigaan aan la marsiin habraacii loogu talagalay in loo soo xulo xubnaha dooranaya xildhibaanka. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites