Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshihii Lafta-gareen oo daaqadda ka baxay kadib markuu is-sharxay taliye Shub

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa maanta ka dhabeeyey musharixnimadiisa Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo isku soo taagay kursiga tirsigiisu yahay ee HOP#172.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta qaatay shahaadada musharxanimada, isaga oo ka guddoomay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed.

“Guddiga hirgelinta doorashada KGS SEIT waxay shahaadada musharaxnimada gudoonsiiyeen musharax Mahad Abdirahmaan Aadan oo u sharaxan kursiga HOP#172,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga maamulka doorashada ee Koonfur Galbeed.

Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey in loo wado Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo taageero ka helayo madaxweyne Lafta Gareen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online taliye Mahad ayaa si gaar ah kursiga loogu xiray kursiga uu u tartamao, si uu ugu biiro Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sidoo kale ninkan ayaa ah Sodoga Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay u dhaxdo gabar uu dhalay, taas oo sii xoojisay hamigiisa doorashada.

Arrintan ayaa caddeyneyso in madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen uu gebi ahaan isaga haray tartanka doorashada, maadaama aad loo hadal hayo inuu u sharaxan yahay kursigan HOP#172.

Waxay sidoo kale tani meesha ka saareysaa isku daygii Villa Somalia ee ku aadanaa in Baarlamaanka uu soo galo Lafta Gareen, si uu u noqdo guddoomiyaha golaha shacabka.

Si kastaba Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano (Taliye Shub) ayaa ku biiraya saraakiil horey loogu doortay Golaha, waxaana ka mid ah Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kulane, Yaasiin Farey, Bashiir Ameeriko, halka kuwa kale ay waayeen, sida Bashiir Goobe iyo Indha Qarshe.

275846466_170388071990466_37646198771826 275781293_170388081990465_14280154921715 275804487_170388065323800_38494021537812

The post Qorshihii Lafta-gareen oo daaqadda ka baxay kadib markuu is-sharxay taliye Shub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this