Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya oo duqayn khasaare dhalisay ka fulisay miyiga degmada Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhacday duqayn diyaaradeed oo khasaare gaarsiisay dad rayid ah.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa sida wararku sheegayaan duqayn la beegsaday dad xoola dhaqato ah oo ku nool miyiga degmada Dhoobley.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday duqaynta oo habeenimadii xalay ka dhacday nawaaxiga magaalada Dhoobley.

Mas’uuliyiinta Jubaland weli kama hadlin khasaaraha ka dhashay duqayntaas waxyeellada gaarsiisay shacabka horay ula dhibaataysnaa abaaraha ka jira dhulkaas.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Kenya oo duqayn khasaare dhalisay ka fulisay miyiga degmada Dhoobley appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this