Sign in to follow this  
Deeq A.

Dooni kotorobaan siday oo lagu afduubay xeebaha Puntland iyo Booliska Soomaaliya oo ka hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16472555531680243.jpg?resize=634%

Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay Dooni kotorobaan siday oo dhawaan lagu afduubay xeebaha Puntland.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdi Fitaax Aadan Xasan oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 8-dii bishaan March, inta u dhaxeysa xeebaha Xaafuun iyo Eyl lagu afduubtay Dooni siday kotorobaan muqaadaraad ah.

Afhayeenka wuxuu sheegay in Doonta uu waday naakhuude u dhashay dalka Yemen iyo 3 qof oo Soomaali ah balse ay is khilaafeen marka ay soo gaareen xeebaha Soomaaliya, kadibna ay afduubteen doontii saddexdii qof ee Soomaalida ah.

Wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ay ku daba jiraan dhacdadan oo uu tilmaamay in aysan la xiriirin burcad-badeed, isaga oo beeniyay warar laga qoray oo ku saabsan burcad-badeeda.

Puntland ayaa ilaa hadda ka hadlin afduubka ka dhacay xeebaheeda ee loo geystay Dooni waday kotorobaan.

PUNTLAND POST

The post Dooni kotorobaan siday oo lagu afduubay xeebaha Puntland iyo Booliska Soomaaliya oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this