Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Millatariga Somaliland Oo Muddo 10 Maalmood Ah U Qabtay Dadka Degan Dhulka Ciidamada Millatariga

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska guud ee Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa muddo 10 maalmood ah u qabtay in ay iskaga guuraan dadka deggan dhulka Ciidamada Millateriga ee hoos ku xusan.

“Taliska Guud ee C/Qaranka JSL waxa uu Ogaysiinayaa laga Bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu  tahay 14/03/2022. In Dadwaynaha shacabka ah ee Degan Goobaha C/Qaranka leeyahay ee hoos ku qoran in ay kaga guuraan 10 cisho Gudahood, waana sidan Goobaha laga guurayaa:-

1. Laynka Milatariga Hargaysa.

2. Agagaarka Xerada Birjeex.

3. Xero Ruushta.

Sidaa daraadeed, Dadwaynaha degan goobahan kor ku xusan waxa la farayaa in ay waqtiga dhawraan”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this