Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Xamaal ahaa oo hadda noqday noqday xiddig caan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Xamaal ahaa oo hadda noqday noqday xiddig caan ah

Isaaq Munda
Isaaq Munda

Nin xamaali ka ahaa gobolka Orissa ee dalka Hindiya ayaa haatan noqday xiddig caan ka ah barta Youtube-ka kadib markii uu shaqo la’aan noqday xilliggii uu dunida saameeyay safmarka Karoona, haatan waa nin caan ka ah baraha bulshada, sida uu kusoo warramayo weriyaha BBC-da ee Hindiya, Sandeep Sahu.

Isaaq Munda wuxuu muuqaalkiisii ugu horreeyay soo dhigay You Tube-ka bishiui March ee sanadkii 2020, xilliggaas uu ku jiray nolol adag maadama uu cOvid-19 si ba’an u saameeyay dunida, waxaana guud ahaan Hindiya lagu soo rogay bandow looga hortaggayo fiditaanka Cudurka, shirkaddii dhismaha uu shaqeyn jiray ayaa howlaheedii joojisay, Isaaq waxaa lasoo deristay shaqo la’aan.

Carruurtiisa waxay barta Youtube-ka ka daawan jireen Kaaruunada maddadaalada ah, Isaaq wuxuu halkaa ka maqlay xayeysiin ah sida dadka ay lacag uga sameyn karaan Youtube-ka marka ay muuqaalladooda dhigaan halkaas.

Wuxuu markii bilaabay sidii uu u sameyn lahaa bar Youtube oo isagu gaar ah si uu u geliyo muuqaallo u gaar ah, wuxuu geliyay kuwa ka hadlayo cuntada.

Muuqaalkii ugu horreeyay ee uu dhigay Youtube-ka, Isaaq waxaa la arkayay isaga oo heysto saxan ay cunto ka buuxdo- waxaa sidoo kale la arkayay isaga oo cuntadii boobayo dadkiina salaamayo.

“Muddo toddobaad ah, muuqaalkii aan dhigay Youtube-ka cid daawatay ma jirin, waana ka naxay tallaabadaas” ayuu yiri Isaaq.

Wuxuu mar kale Youtube-ka soo dhigay muuqaal kale, wuxuu ogaaday in dadka halkaa wax soo dhigo ay muuqaallooda ku baahiyaan baraha bulshada si loo daawado.

“Waxaan akoon ka furtay bogga Facebook, waxaan ku faafiyay muuqaalladeyda, marka wey shaqeeyeen ilaa 12 qof ayaa daawatay muuqaalladeyda”

Dhawaan waxaa si weyn u baahay muuqaall ku saabsan cunto ka caan ka ah gobolka Orissa ee Hindiya oo la yiraahdo basi pakhala.

“Maalmo gudahdood, waxaa barteyda Youtube-ka kusoo xirnaatay in ka badan 20,000 qof, dad badan oo kasoo kala jeeda dunida gaar ahaan Mareykanka, Brazil, Mongolia ayaa daawatay muuqaalladeyda”

Arrintan ayaa noqotay mid sii dhiiregeliuso Isxaaq oo markii hore ka xamaalan jiray dalkaas.

Labo sano, barta Youtube-ka Isaaq Munda isla markaana uu kusoo bandhigo cuntooyinka waxaa ku xirnaatay in ka badan 800,000 qof, waxaana muuqalladiisa daawatay in ka badan 100 malyan oo qof, Isaaq haatan wuxuu u muuqdaa qof ka macaashay Youtube-ka, xitaa waxaa la arkayay isaga oo iska duubayo muuqaallo xilli uu ku sugnaa munaasabado ka dhacay dalkaas.

Sanadkii lasoo dhaafay, waxaa muuqaaladiisa cunto dhaqameedka ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi kuwaas oo si weyn looga falceliyay baraha bulshada Hindiya.

Saameyntii ka dhalatay cudurka Karoona dad badan ayay saameysay
Saameyntii ka dhalatay cudurka Karoona dad badan ayay saameysay

“Si weyn ayaan u farxay, dad badan ayaa igu soo xirmay” ayuu yiri Isaaq.

Muuqaalladiisa Youtubr-ka

Isaaq wuxuu soo bandhigayay muuqaallo loogu magac daray “mukbang” -wuxuu isku keenaa dad badan oo ku tartamo cunto cunidda, qaar kamid ah dadkaas ayaa ka hadlaa halkaas iyaga oo cunteynaya.

Muuqaallada tartanka cuntada ee lasoo dhigo Youtube-ka ayaa sanadkii 2010 waxay ka bilowdeen Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, malaayiin qof ayaa ku xiran bartan.

Tageerayaasha waxay ciyaaran astaanta muuqaallada mukbang iyagoo soo bandhigayo tartanka cuntada.

Isaaq waxaa la arkayay isaga oo soo dhigay Youtube-ka muuqaallo kala duwan mar waxaa la arkayay isaga oo xaaskiisa ka caawinayo cunto karinta.

“Waxaan u maleeyay in dadka ay xiiseynayaan muuqallada ku saabsan nolosheena gaar ahaan cunto karinta ama cunidda”

Waxaa macalin u ahaan Youtube-ka uu wax ka baran jiray gaar ahaan sida loo qaado muuqaallo tayo leh, wuxuu teleefoon kusoo iibsaday lacag yar oo 39 doolar ah oo meel dhigtay intii xamaaliga ahaa si uu ugu soo qaado muuqaallo wanaagsan.

Ninkan ma dhigan wax dugsi ah, luqadda Ingiriiska xooggaa yar ayuu ka yaqaannaa, wuxuu is baray sida loo adeegsado Email-ka iyo baraha bulshada iyo Internetka.

Laga bilaabo bishii hore wuxuu soo duubayay muuqaallo gaar ah oo tayo leh isaga oo bartilmaameedsanayay xafladaha waaweyn ee lagu cunteynayo dalkaas.

Guud ahaan shacabka Hindiya ayaa waxay si weyn uga falceliyaan muuqaallada Isaaq iyagoo is barbardhig ku sameeyo cuntada uu cunayo in midda ay guryaha ku karsadaan.

Dad badan waxay xiiseeyaan muuqaalladiisa, xitaa qaarkood waxay sheegaan in si weyn uu u dhiirigeliyay, “Wuxuu garanaya qiimaha ay leedahay cuntada iyo xushmadda ay naga mudan tahay”

Isak Munda, xaaskiisa iyo carruurtiisa
Isak Munda, xaaskiisa iyo carruurtiisa

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah muuqaalladiisa-in uu isku keeno dad badan si ay ugu tartamaan cunto kulul oo markaa dabka uu kasoo qaaday.

Mustaqbalkiisa

Markii uu xamaaliga ahaa Isaaq wuxuu heli jiray 3.2 doolar marka uu shaqeeyo bishii 18 ilaa 20 maalmood, lacagtan kumana filneyn qoyskiisa oo ka koobnaa 8 qof.

Markii uu kobcay Youtube-kiisa, Isaaq wuxuu bishii helayay ku dhawaad 4,000 oo doolar halka marka uu hoos u dhacana ugu yaraan bishii uu helo 911 doolar.

Hataan wuxuu dhistay guri labo dabaq ka kooban, bishii lacag ayuu meel dhigtaa, wuxuu soo iibsaday baabuur iyo Laptop uu ku sameysto muuqaallada uu soo dhigo Youtuber-ka.

Haatan waa nin caan ah oo lagu arko munaasbadaha waaweyn ee ka dhaca dalkaas.

Isaaq wuxuu ku rajo weyn yahay in carruutiisa uu geeyo waxbarasho.

“Waxaan doonayaa in carruurteyda aan geeyo goobaha waxbarasho ee ugu wanaagsan, waxaan hubaa inay waxbarashada meel sare ka gaari doonaan”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this