Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixintii Dagaalka Ukraine+Cirka oo dhimbilo isku bedelay Gantaallo lagu garaacay saldhig Militeri darteed

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixintii Dagaalka Ukraine+Cirka oo dhimbilo isku bedelay Gantaallo lagu garaacay saldhig Militeri darteed

Yavoriv
Saldhigga ciidamada ee Yavoriv

Goob joogayaal ku sugnaa weerar lagu hoobtay oo Ruushka ku qaaday saldhig militari oo ay leeyihiin ciidamada Ukraine ayaa ka sheekeeyay sida “cirka uu isugu baddalay dimbilo” markii ay gantaallo ku garaaceen saldhigga oo u dhow xadka Poland.

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhiimatay duqeynta oo uu Ruushka ka fuliyay xerada tababarka ciidamada ee Yavoriv, ​​oo u dhow goob weyn oo laga gudbo oo xigta dhinaca Poland oo ay isticmaalaan qaxootiga ka soo qaxaya dagaalka Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka wuxuu sheegay in aroornimadii saaka ay ciidamada Ruushka ku dhawaad 30 gantaal ku garaaceen saldhigga oo ku yaalla duleedka magaalada Lviv.

Saacado kadib weerarka waxaa goobta kusii qulqulayay gawaarida gurmadka deg dega ah.

Wadooyinka soo gala xarunta ayaa lagu gooyay jidgooyo, maamulka waxay bilaabeen baaritaano ku aadan weerarka, waxaana sidoo kale socdaa dadaallo loogu gurmanayo dadka ku waxyeelloobay weerarkaas.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa ku dhawaad ​​30 gantaal ku garaacay goobtan, oo sidoo kale loo yaqaan Xarunta Nabadda iyo Ammaanka ee Caalamiga ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Lviv.

Inkasta oo inta badan la qabtay gantaalladii ku wajahnaa halkaas.

Muuqaal ku saabsan weerarka oo ay BBC-da xaqiijisay ayaa muujinayay qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareeray oo ka kacay dhismo yar oo u dhawaa saldhigga.

Dukhnych Vitalii, oo ah arday 19 jir ah oo ku nool guri dabaq ah oo u dhow saldhigga, ayaa yiri “Xaley, cirka dambilo ayuu isu beddelay” markii uu weerarku dhacay.

“Ma aanan maqli karin qalabka duqeymaha ka diga, waxaan soo kacnay markii aan maqalnay dhawaqa qarixii koowaad, waxaan tagnay goob dhufeys ah, cabsi ayaa nala soo deristay”

“Wiil aan ilmo adeero nahay oo 25 jir ah ayaa ku tababaranayay xarunta, ayuu yiri Mr Vitalii, “qoyskiisuna waxay wali isku dayayeen inay la xiriiraan isaga.”

saldhigga militeri ee la duqeeyay
saldhigga militeri ee la duqeeyay

Nadin Berezovska oo kamid ah dadka deegaanka isla markaana ah sawir qaade ayaa sheegtay in dabka uu ka kacay guri ay degan yihiin waalidkeed, halkaasi oo ay ku nooleyd kadib markii ay ka soo qaxeen caasimadda Ukraine ee Kyiv. “Waan naxsanahay, xaalad jahwareer ah ayaa ku jirnaa,”

“Hadda waxaan ogaannay in aysan macno lahayn meesha aad ku nooshahay, amni darro ayaa jirtaa, sidee ayaan ku tageynaa Poland anagoo nabad ah” ayay tiri Nadin Berezovska.

Saldhigan ayaa horey loogu tababari jiray ciidamada Ukraine, iyadoo inta badan ay tababarka bixinayeen ciidamo ka socda Mareykanka iyo wadamada kale ee ka tirsan gaashaanbuurta Nato. Ilaa hadda ma cadda in ciidamo ajaanib ah ay ku sugnaayeen saldhigga markii la duqeynayay.

.

Weerarka waxaa lala beegsaday mid kamid ah saldhigyada militeri ee ugu waaweyn Ukraine, wuxuu ku yaalla meel 25km oo kaliya u jirta Poland, oo xubin ka ah gaashaanbuurta Nato.

Xuduudka Poland waa marin muhiim u ah qaxootiga, laakiin sidoo kale waxaa laga soo gudbiyaa hubka ay soo diraan wadamada ku jira isbahaysiga militariga ee Nato – kuwaas oo kamid ah gantaalada lidka taangiyada iyo kuwa lidka diyaaradaha.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee Ruushka uu ku fuliyo galbeedka Ukraine tan iyo markii uu kusoo duulay dalkaas.

Gobolka ayaa noqday halka ay maraan malaayiinta qof ee ka baxsanaya dagaalka ka socda deegaanada kale ee Ukraine, ilaa iyo hadda waxaa Ukraine ka qaxay 2.6 malyan oo qof.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this