Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaabkii Madaxweyne Biixi Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Maraykanka +Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington DC)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ka koobnaa wasiirada iyo ganacsatada ayaa gaadhay dalka maraykanka, iyadoo halkaasi loogu soo dhaweeyey si ballaadhan oo habmaamuus qarannimo leh.

Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa halkaa ku sugayey kuna soo dhaweeyey madax sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kala ah wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka, Amb. Bashiir Good iyo qaar ka mida Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka.

Waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa loo galbiyey Hotelkii loogu talogalay inay ka degaan Washington, waxaana soo dhawaynta ka dib safarka Madaxweynaha Warbaahinta uga waramay Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland, Amb. Bashiir Good oo ugu horayn u mahadnaqay cidkasta oo ka qayb-qaataday soo dhawaynta weftiga madaxweynaha qaranka Somaliland.

FB_IMG_1647196890014.jpg FB_IMG_1647196883325.jpg FB_IMG_1647196880618.jpg FB_IMG_1647196875738.jpg FB_IMG_1647196871263.jpg FB_IMG_1647196867820.jpg FB_IMG_1647196864748.jpg FB_IMG_1647196861839.jpg FB_IMG_1647196859481.jpg FB_IMG_1647196854771.jpg FB_IMG_1647196851912.jpg FB_IMG_1647196847018.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this