Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: ODOWAA oo dib loogu doortay Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa markale dib loogu doortay xubnimada Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Cabdiraxmaan Odowaa oo kursiga si gaar ah loogu xiray ayaa helay 97 cod, kadib codeyn gacan taag oo loo qaaday.

Guddiga SEIT ee Galmudug oo war kasoo saaray doorashadan ayaa shaaciyey in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha uu ku soo baxay kursiga HOP#069 ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku guuleystay 97 cod oo ah kooramka ergada fadhisay,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashada ee HirShabelle.

Kursigan ayaa ka mid ahaa kuwa sida aadka ah isha loogu hayey, balse isbeddal ayaa ku yimid saacadihii u dmabeeyey, kadib markii uu tanaasulay Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo haatan ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federalka Somalia.

Odowaa oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee ku jiray baarlamaankii hore ayaa markale ka mid noqonaya xildhibaanada dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya.

Doorashadan ayaa ku soo aaday, xilli lagu sii dhowaanayo waqtiga loo qabtay in Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo 15-ka bishan aynu ku jirno March ee sanadka 2022-ka.

275618986_344707414252461_27461003486456 275667273_4592718654173306_8975879728356 275450364_344706220919247_17580100928666 275563165_344707544252448_30462253755744

The post Sawirro: ODOWAA oo dib loogu doortay Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this