Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Dishay QOF U Dhashay Dalka Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Lamu)-Shan qof oo uu ku jiro qof u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu dilay, saddex kalena waa lagu dhaawacay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday goob dhisme uu ka socday oo ku taalla gobolka xeebta Kenya, sida ay sheegeen booliska.

Weerarkan ayaa Jimcihii ka dhacay Lamu, oo ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Shaqaalaha la weeraray ee ayaa dhisayay buundada waddo dekedda Lamu ku xidha South Sudan iyo Itoobiya, markii weerarka lagu soo qaaday, waxaana dhintay afar ka mid ah sida lagu sheegay warbixinta booliska.

Qof kale oo waddada marayey oo saarnaa mooto ayay sidoo kale xabadda haleeshay oo dhintay, ayey warbixinta intaas ku dartay.

Mas’uuliyadda weerarka ayaa waxa sheegtay xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya, oo khasaaraha dhimashada ku sheegtay lix qof oo Kenyan ah iyo qof Shiinees ah.

“Ciidammada Mujaahidiinta ayaa weerar ay ka fuliyeen gobolka Lamu ku dilay 6 qof gaalo Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah,” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Gobolka Lamu oo ka mid ah meelaha dalxiiska caanka ku ah ee Kenya ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro iyo qaraxyo ay fulisay kooxda Al-Shabaab.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this