Deeq A. Posted March 13, 2022 Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Galkacyo ay ka dhacdo doorashada 3 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka. Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala ah HOP#069, HOP#038 iyo HOP#095. Waxaa baarlamaankii 10-aad ku matalayay dadka reer galkacyo kuraastaan xildhibaanada kala ah :- HOP#038: Axmed Macalin Fiqi HOP#069: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa HOP095: Cabdikariin Khaliif Dhalac Waxaa hadda u tartamaya kuraastaan musharixiinta kala ah :- HOP#038: Waxaa u taratamaya musharixiinta kala ah Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan, Maxamed Cabdi Aadan, Adan Warsame Cilmi, Maxamed Cabdi Faarax iyo Saciid Daahir Sheekh. HOP#069: Waxaa u taratamaya musharixiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, iyo Musharax Maxamed Axmed Maxamed. HOP095: Waxaa u taratamaya musharixiinta kala ah Cabdikarin Khaliif cabdi-dhalac, Maxamuud kudun Xiimaa, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Saciid Faarax. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites