Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaan Siciid iyo Islaan Ciise oo xalay kulan la yeeshay Madaxweyne Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Garoowe ayaa sida wararku sheegayaan looga hadlay Arrinta Kursiga Golaha Shacabka ee Hop#029 oo laga soo doorto magaalada Kismaayo.

Isimada ayaa Madaxweyne Deni u sheegay in aysan aqbali doonin fara-gelin lagu sameeyo kursiga Hop#029 oo horay suldaan Siciid Maxamed Garaase ugu asteeyay jifada uu ka dhashay musharrax xildhibaan Duni Maxamed Guulato.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu dhankiisa soo dhoweeyay hadalka Isimada islamarkaana u sheegay in aysan jirin cid fara-gelin ku haysa kursigaas.

PUNTLAND POST

The post Suldaan Siciid iyo Islaan Ciise oo xalay kulan la yeeshay Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this