Sign in to follow this  
Deeq A.

Ukraine oo Ruushka ku eedaysay in uu masaajid duqeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha dibadda Ukraine ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay in Ciidamada Ruushka ay duqeeymo ka geeysteen  Masaajid ay magangelyo ahaan u galeen dad gaaraya 80 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan Muwadiniin u dhashay Turkiga.

Dadkan ayaa sida la sheegay waxaa lagu weeraray  magaalada Mariupol ee ku taal koonfur bari ee dalka Ukrain, halkaas oo kumanaan qof ay ku go’doonsanyahiin.

Ruushka waxay duqeeyeen Masjidka Sultan Suleiman ee Mariupol, halkaas oo ay magan galeen dad rayid ah,” ayaa lagu yiri war lagu qoray barta Twitter-ka ee wasaaradda Arrimaha Dibada Ukraine.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in magaalooyinka Kharkiv, Chernihiv, Sumy iyo Mariupol ee Ukraine ay  go’doonsanyahiin walina ay ka socdaan duqeeymo isdaba jog ah oo ay wadaan Ciidamada Ruushka.

PUNTLAND POST

The post Ukraine oo Ruushka ku eedaysay in uu masaajid duqeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this