Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Dhabbaa In Maraykanka Laga Abaabulayo Madaharaad Ka Dhan Ah Safarka Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta galinka dambe safar ugu baxaan dalka Maraykanka.

Warar aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in dalka Maraykanka laga abaabulayo mudaharaad ka dhan ah safarka Madaxweyne Biixi ku tagayo dal weynaha Maraykanka.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo doraad warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in kooxo reer Soomaaliya ah iyo dad kale oo reer Somaliland ahi ay Maraykanka  ka abaabulayaan mudaharaad ka dhan safarka waftiga Madaxweyne Biixi waxaanu yidhi “waad la socotaa walaweyntii oo ay la socdaan niman reer Somaliland ahi mudaharaad ayay kugu dhigayaan kuwii kaa celin lahaana waad qaybisay ee gaashaanka u dhigi lahaa” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Illaa hadda Somalilandtoday si rasmi ah warkan uma xaqiijin balse isha ayay ku haysaa

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday.pn

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this