Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyadda Oo War Ka Soo Saartay Safarka Madaxweyne Biixi Ee Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa galabta safar shaqo ugu ambo baxay waddanka Maraykanka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno wasiirro ah oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Deegaanka, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Mudane Jaamac Muusse Jaamac iyo Xubno ka mida Ganacsatada Dalka ayaa galabta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport, iyaga oo ku wajahan carriga Maraykanka, waxana Maraykanka gudihiisa kaga biiri doona wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo maalmo ah, waxana uu halkaas ku yeelan doonaan kulamo kala duwan oo u qorshaysan.

Wa-bilaahi tawfiiq

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this