Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbitaalka kaliya ee Warshiikh looga imaan jiray ilaa gobolada dhexe oo xirmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsheekh (Caasimada Online)– Isbitaalka degmada Warsheekh ayaa mar soo noqday mid daboola baahida dadweyne ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo gobolada ku gadaaman, kaasoo xiligaan albaabada la isugu dhuftay kadib markii isbitaalka lagu wareejiyay hay’ad gaar ah.

Isbitaalkaani oo hirgelintiisa iska kaashadaan jaaliyadaha dibadda ee ku hahoobay dallada War-Mo-Cad international, oo mudadii uu gacanta ku haayay uu daboolay baahidii hooyada iyo dhalaanka iyo in dadka deegaanka caafimaad u raadsan magaalada Muqdisho oo masaafo ahaan ka fog.

 Maanta mar aan la kulanay dadka deegaanka iyo qaar kamid ah maamulka isbitaalka xermay ee degmada warsheekh ayaa inoo cadeeyay in cisbitaalku shaqeynin mudo, taasina ay u sabab tahay hay’addii lagu wareejiyay oo guurtay.

Maalin walba waxaa isbitaalka la keenaa hooyooyin foolanaya, kuwaasi oo xiligaan isbitaalka qaabilin, loona gudbiyo magaalada Muqdisho, waxaana dhacda mararka qaar in haweenkaasi u dhintaan dhiig bax.isbitaal-warta-1.jpeg?resize=696%2C522&sIsbitaalka degmada Warsheekh ayaa waxaa horay dhaqaalahiisa iyo socod siinta gacanta ugu haaayay jaaliyaddaha dibada ee Mar-Mo-Cad, taasoo xiligaan si weyn looga hadal haayo degmada xirnaanshaha isbitaalka kaliya ee degmada oo maalin walba qaabili jiray dad kala duwan oo ka yimaada gobolka Sh/Dhexe iyo gobolada dhexe ee dalka.

The post Isbitaalka kaliya ee Warshiikh looga imaan jiray ilaa gobolada dhexe oo xirmay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this