Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni iyo Isimada Cumar Maxamuud oo isfaham ka gaaray Kuraasta Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Isimada Beesha Cumar Maxamuud oo xalay ku kulmay Madaxtooyada Garoowe ayaa isfaham ka gaaray kuraasta Golaha Shacabka ee Hop#198 iyo Hop#199.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in tartan furan laga dhigo Kuraasta Hop#198 iyo Hop#199 si waafaqsan Habraaca Doorashada dadban ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Isimada ayaa habeen ka hor Madaxweynaha u gudbiyay Go’aankooda la xiriira in aan cid gaar ah loo xirin Kuraasta balse tartan furan loo galo si loo ilaaliyo hufnaanta Doorashada.

Madaxweyne Deni oo markii hore doonayay in shakhsiyaad loo xiro Kuraastaas ayaa sida la sheegay ku qancay Go’aanka Isimada islamarkaana la qaatay in tartan laga dhigo Doorashada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni iyo Isimada Cumar Maxamuud oo isfaham ka gaaray Kuraasta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this