Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo Arrin khatar ah ku eedeeyay Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka oo Arrin khatar ah ku eedeeyay Maraykanka

Xukuumadda Moscow ayaa ku eedaysay Maraykanka inuu maalgeliyay xarumo Ukraine ku yaalla oo lagu hormariyo hub biological ah. Igor Konashenkov oo u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka, ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo in si qarsoodi ah uu hubkaas khatarta ah ugu adeegsado.

Maraykanka ayaa beeniyay eedeyntaas culus ee uga timid Ruushka. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa inuu kulan xasaasi ah ka yeesho eedaynta Ruushka, kadib markii uu codsaday Ruushka.

Hubka biological-ka ayaa kamid ah kuwa mamnuuca ka ah caalamka, isla markaana aan lagu isticmaali karin dagaallada.

Afhayeenka wasaaradda Difaaca Ruushka, Igor Konashenkov
Afhayeenka wasaaradda Difaaca Ruushka, Igor Konashenkov

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this