Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka iyo Mareykanka Keedoo-baa hubka ugu badan laga iibsadaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka iyo Mareykanka Keedoo-baa hubka ugu badan laga iibsadaa?

.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine u dhaxeeya wuxuu ka dhashay cabsi. Ruushka wuxuu ka cabsanayaa hadii ay Ukraine ku biirto Gaashaan Buurta Nato iney suuragal noqon karto inuu qarxo dagaalka seddexaad ee adduunka. Si la mid ah Ukraine waxay ka cabsi qabtaa Ruushka. Cabsidi ay qabtay Ukraine iyo rabitaankiisi ahaa iney ku biiro Nato waxay markiba iisu beddeshay dhab.

Cabsida kale ee dhalatay marka uu dagaalka Ukraine billaawday kaddib waxay tahay cabsi ah inuu qarxo dagaalka seddexaad ee adduunka. Inkastoo aysan jirin sababa macquul ah oo cabsida noocaas ah keeni karta, haddana dalal kala duwan ayaa sidoo kale go’aansaday inay kordhiyaan miisaaniyadda ay difaaca geliyaan si ay cabsidaasi uga jawaabaann. Tusaala ahaan waddamada miisaniyaddooda dhanka militariga aadka u kordhiyey waxaa ka mid ah Jarmalka iyo Shiinaha.

Haddaba waddamadaasi waxaa u furan hal waddo oo ay uga hortagaan cabsida ku saabsan inuu dagaal qarxo, taasina waxay tahay iney tayeyaan hubkooda.

 

1. Shanta dal ee dunida u iibgeeya hubka ugu badan

Aan ku horreyno dalalka hubka ugu badan caalamka u iib geeya ama gacantooda uu ku jiro.

.
.

Waddamada Mareykanka, Ruushka, Faransiiaka, Jarmalka iyo Shiinaha waxaa gacantooda ku jira 75% hubka dunida yaalla.

Mareykanka ayaa waddamada hubka iib geeya ugu horreeya halka Ruushkana uu kaalinta labaad uu ku jiro. Inkasta oo uu Ruushka doonayo inuu la wareego kaalinta hoggaamineed.

Taageerada Mareykanka ay u muujisay Ukraine khubaro badan waxay dagaalka Ukraine ku tilmaameen mid u dhaxeya Mareykanka iyo Ruushka. Wakhti xaadirkan Mareykanka iyo waddamada badan oo kuwa reer galbeedka ah Ukraine waxay ka caawiyeen dhinaca hubka, iyaga oo si gaar ahna u difaacaya madaxweynaha Ukraine ee Volodymyr Zelenesky.

 

Sida oo kale waxaa soo baxaya eedeymo Washington loo soo jeedinaya oo ku aaddan iney dooneysa xasilooni darrada jirta iney uga faa’ideysato suuq geynta hubka.

2- Waddamada hubka ugu badan iibsada

Warbixin 2021-ki uu soo saaray Machadka (SIPRI) ee dalka Sweden, waxa lagu sheegay waddamada hubka ugu badan iibsada iney yihiin Sacuudi Carabiya, Hindiya, Masar, Australia iyo Shiinaha.

.

Waddamada iibsada ama iibiya hubka ugu badan haddii aan si gaar ah u eegno, Shiinaha ayaa noqonayaa dalka hubka ugu badan soo iibsada isla-markaana iibiya.

Rahul Bedi oo ah khabiir dhinaca difaaca oo sababta uu Shiinaha u noqday dalka hubka ugu badan iibiya isla-markaana soo iibsada wuxuu ku sheegay, “Shiinaha wuxuu isticmaalaa Qaacido qadiimi ah taasoo ah inuu waddamada kale u hub ka iibsado kaddibna hubka uu wax badan ka baddalo uuna casriyeeyo intaa ka gadaalna waddamada kale dib uga iibiyo.

Hubka ay soo iibsadaan dib u habeyn ayey ku sameeyaan. Hubkina wax badan ayey ka baddalaan waxna wey ku kordhiyaan si waafaqsan rabitaankooda kaddibna wey isticmalaan ama wey sii iibiyaan. Sababahaa ayaana Shiinaha ka dhigaya dalka hubka ugu badan soo iibsada isla-markaana dib uga iibiya waddamada kale.

3- Waa kuwee waddamada Ruushka hubka ka iibsada?

Marka aad eegto labada waddan ee hubka ugu badan soo saara isla-markaana iib geeyo ee Mareykanka iyo Ruushka waddamada hubka ka sii iibsada gabi ahaantood wey kala duwan yihiin.

 

Warbixin cusub oo uu dhawaan soo saaray machadka SIPRI waxaa lagu sheegay waddamada Ruushka hubka ugu badan ka iibsada iney yihiin Hindiya, Shiinaha iyo Algeriya. Hindiya ayaana ah dalka hubka ugu badan Moscow ka iibsata.

.
.

Khubaraduna waxay aaminsan yihiin hubka tirada badan ee ay Delhi ka iibsato Ruushka iney sababtay iney Hindiya ka gaabsato dagaalka Ukraine. Ruushkana wuxuu Hindiya ka caawiyaa hubka iyo isdhaafsiga teknooloojiyadda. Waaya aragnimada iyo aqoonta ay Ruushka ka heshayna Hindiya wuxuu ka caawiyey iney warshado hubka sameeya ay gudaha dalkeeda ku sameysato.

4- Waa kuwee waddamada Mareykanka hubka ka iibsada

Waddamada hubka ugu badan dalka Mareykanka ka iibsada waxaa ugu horreeya waddamada Sacuudi Carabiya, Australiya iyo Kooriyada Koonfureed.

 

Balse Hindiya hubka ay ka iibsato Ruushka marka laga soo tago, waxay sida oo kale hub aan yareen ay ka iibsataa Mareykanka, Israa’iil iyo Faransiiska.

Dhawaan, waaxda difaaca, xukuumadda Modi waxay la timid hal-ku-dhig ah ‘Hindiya xor ah’. Sababtaa awgeed Hindiya waxay sidoo kale dooneysaa inay yareyso ku tiirsanaanta Ruushka ee dhinaca difaaca.

Taa ayaana ugu wacan Hindiya inaysan dagaalka socda dhinacna la safan. Haddii Hindiya ay sheegto wax ka dhan ah Ruushka ama ay taageerto Ukrain, markaas waxay keeni kartaa khilaaf ku yimaada xiriirka ay la leedahay Mareykanka. Waqti xaadirkanna, Hindiya ma awoodo inay dagaal la gasho Mareykanka.

5- Suuqa hubka ee Mareykanka iyo Ruushka maxaa iska badalay?

Hal-ku-dhigga xukumadda Modi ay la timid ee ah ‘Hindiya Xor ah’ wuxuu saameyn xooggan u ku yeelan doonaa Ruushka. Sida uu sheegay Machadka SIPRI suuqa hub iibinta Ruushka wuxuu sare u kacay inti u dhaxeysay 2016-2018, balse wuxuu hoos u dhacay inti udhaxeysay 2019-2020-ki.

 

53% hoos u dhaca hubka Ruushka uu iibinayey waxaa dhimay dalka Hindiya. Hindiyana waxay billaawday xilligaa iney waddamo kale ay hub ka soo iibsato. Sida oo kale Ruushkana wuxuu u jeestay dhinaca Shiinaha oo hubka ugu badan Ruushka haatan ka ibsada inkasta oo suuqi ay Hindiya banneysay uu weli bannaan yahay.

Halka suuqa hub iibinta Mareykanka uu 10-ki sano ee la soo dhaafay uu 15% sare u kacay, Ruushkana 22% uu hoos udhac ku yimid.

.

Si kastaba ha ahaatee, Rahul Bedi ayaa ku doodaya in sawirka suuqa hubka laga yaabo inuu wax yar uu isbeddelo kadib dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

“Mareykanka wuxuu haystaa lacag iyo teknooloojiyad. Sidaa awgeed, ayuu u noqonayaa dalka koobaad ee hubka ugu badan dhoofiyo. Ruushkana wuxuu leeyahay teknooloojiyad xataa Mareykanka uu weli gaarin”, ayuu yiri Rahul Bedi.

 

Shiinahana wuxuu haystaa lacag iyo qalab diyaar ah, inkasta oo uu lahayn warshado waaweyn oo wax u qaban karo. Haddii Ruushka iyo Shiinaha ay ku soo dhawaadan inay gaaraan Mareykanka, markaa lama oga heerka uu ku sii socon doono hoggaaminta Mareykanka ee suuqa hubka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this