Deeq A. Posted March 12, 2022 Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Galmudug ayaa shaaciyay liiska Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xulaysa ergooyinka saddex kursi. Kuraastaan ayaa kala ah HOP#069, HOP#95 iyo HOP#038, waxaana baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay kuraastaan xildhibaanada kala ah :- HOP#038: Axmed Macalin Fiqi HOP#069: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa HOP095: Cabdikariin Khaliif Dhalac Maanta oo sabti ah ayaa lagu waday in kuraastaan lagu doorto magaalada Galkacyo, balse guddiga doorashooyinka SEIT Galmudug ayaa maalin dib u dhigay kuraastaan. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites