Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Dhowaan Kismaayo Lagu Doortay oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee Maxamuud Muxumed Kuulow oo ka mid ahaa xildhibaanada cusub ee golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xildhibaan Kuulow ayaa bishii hore ee Febraayo lagu doortay magaalada Kismaayo, isagoo ku guuleystay kursiga HOP#079, waxaana geerida xildhibaanka lagu sheegay geeri kadis ah oo ku timid marxuumka.

Xildhibaanka ayaa waxaa wararka la helayo ay sgeegayaan inuu isaga oo nabad qaba uu xalay ku sugnaa Nairobi, marxuumka ayaa waxaa uu bishii hore ka mid noqday xildhibaannada cusub ee la doortay.

Goobjoog News

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this