Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Xildhibaan Kuulow

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, bulshada Jubaland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow, oo galabta ku geeriyooday Magaalada Nairobi
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay Dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray.
Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marxuumku dhawaan loo doortay mid kamid ah kuraasta Baarlamaanka JFS ee dhawaan doorashadoodu ay ka dhacday Jubbaland waxaa  uu si gaar ah tacsi ugu diray eheladii iyo qaraabadii uu marxuumku uu ka baxay isagoo alle uga baryay inuu janadiisa ka waraabiyo.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this