Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid xildhibaannadii lagu doortay Kimsaayo oo ku geeriyooday Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16470172009908772.jpg?resize=720%

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Kuulow oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ee aan weli la dhaarin ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Marxuum Maxamuud Kuulow ayaa ka mid ahaa xubnihii Golaha Shacabka ee dhawaan lagu doortay magaalada Kismaayo, wuxuuna ku fadhiyay kursiga tirsigiisu yahay Hop#079.

Weli lama shaacin waxa sababay geerida xildhibaan Kuulow oo ku geeriyooday dalka Kenya oo uu ku sugnaa todobaadyadii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay geerida xildhibaanka, wuxuuna tacsi u diray guud ahaan ummada Soomaaliyeed, bulshada Jubaland iyo qoyskii & qaraabadii uu ka baxay.

PUNTLAND POST

The post Mid ka mid xildhibaannadii lagu doortay Kimsaayo oo ku geeriyooday Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this