Sign in to follow this  
Deeq A.

“Aniguba Haddii Shalay Aan Muuse Biixi Taageerayay Maantaba 100% Waxan Taageersanahay Cabdiraxmaan Cirro…” Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   

GARO AMA HA GARAN

Horta dagaalka Doorasho-doonka iyo Doorasho-diidku ogow wax kale maaha ee waa “doorasho wakhtigeedi joogo ha la qabto iyo la qaban maayo”. Hadaba shalay kii doorasho-diidka ahaa ee maanta doorasho-doonka ah iyo kii shayna doorasho-diidka ahaa maantana doorasho-diidka ah aniga waxa i xiga ka shalay qaldanaa ee isa saxay oo iga xiga ka shalay iyo maantaba qaldan waayo anigu shalayna doorasho-doon baan ahaa maantana doorasho-doon ayuun baan ahay. Waxan u arkaa in danta qaranka iyo sharciguba ay yihiin  in doorasho walba xiligeeda lagu qabto.

Maantu shalay maaha ee maalin kale. Aniguba hadii shalay aan Muuse taageerayay maantaba 100% waxan taageersanahay Cabdiraxmaan oo aan u raacsanahay “QOF AHAAN, QOLO AHAAN IYO WELIBA XISBI AHAANBA. Waxan u arkaa in maanta ay ku jirto midnimada, wadajirka, iyo wax-wada-lahaanshaha Somaliland. Garo ama ha garan

W/Q Mujaahid Cali Guray

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this