Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni iyo Isimada Cumar Maxamuud oo xalay kulan gaar ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Isimada Beesha Cumar Maxamuud oo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Kulanka Isimada iyo Madaxweyne Deni ayaa looga hadlay hannaanka loo marayo Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Hop#198 iyo Hop#199.

Isimada ayaa Madaxweynaha u gudbiyay  go’aankooda oo ah in tartan furan loo galo kuraastaas si loo helo doorasho hufan oo xor iyo xalaal ah islamarkaana cid kasta ku qanacdo natiijadeeda.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa Isimada ka codsaday in la siiyo wakhti kale si uu tashi u soo sameeyo waxaana sidaas ku dhammaaday kulankii labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni iyo Isimada Cumar Maxamuud oo xalay kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this