Sign in to follow this  
Deeq A.

Sharaabka aan u isticmaalno miisaan dhimista waxtar caafimaad ma noo leeyahay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Sharaabka aan u isticmaalno miisaan dhimista waxtar caafimaad ma noo leeyahay?

Sharaab la shubayo

Shen Warn waxaa uu geeriyooday Jimcihi la soo dhaafay.

Si caadi inuu ninkaasi u dhintay ayaana la sheegay. Hase yeeshee Shen inta uu geeriyoon 14 maalmood waxaa cunta u ahaa sharaabka oo keli ah.

Inta uusan dhimman maalma ka horna waxaa laga hayaa inuu yiri “Qorshahayga July ee sanadkan qaab dhismeedka jirkeyga inaan ku celiyo sidi hore uu ahaan jiray,” isaga oo bartiisa Twitter-ka sawir hore soo dhigay .

Wuxuuna marar badan isku dayay inuu miisaankiisa dhimo maadaamaa cayilka bariyahan dambe ku yimid uu aad ula murugsanaa.

Haddaba Sharaabka aan miisan dhimista u isticmalno caafimaad ma noo leeyahay?

Sharaabka aan miisaan dhimista u isticmaalno sameynta ay jirka u geysanayaan maxay yihiin? Cunnooyinkaasi oo noocyo badan isugu jira.

Ujeedka sharaabkaasi ay dadka u isticmaalaanna waxay ku sheegaan iney tahay iyaga oo isticmaalaya cunta aan lagu cayileyn iney baruur badan gubaan si ay u caatoobaan.

Cuntooyinka Sharaab ahaan loo isticmaalo oo la rumeysan yahay iney jirka wasaqda ku jirta ka nadiifinayaan waxay isugu jiraan khudaarta iyo miraha kala duwan.

Hase yeeshee, khubaradu waxay ka digayaan iney dadku ka taxaddaraan sharaabkaasi.

Walaalaca ay Khubarada caafimaadka sharaabkaasi ka muujinayaanna wuxuu yahay qofku isaga oo aan is ogeyn inuu sharaab badan qaato dhibaatooyin caafimaadna uu kala kulmo, iyada oo dadka qaarna ay sharaabkaasi qaarkood caafimaadkooda u wanaagsaneen.

 

Hay’adda Bixisa Adeegga Caafimaadka ee UK (NHS) waxay sheegtay dadka maalinti jirkooda uu u baahan yahay ama uu qaadan karo cuntooyin laga helo 800 oo Calorie iney yihiin dad kooban.

Gaar ahaanna dadka uu hayo laba nooc oo ka mid ah cudurka macaanka iyo dadka aadka u cayilan.

Waxayna khubaradu ku talinayaan iney dadku ka taxaddiran iney sharaabkaasi iska qaataan iyaga oo aan dhakhaatiirta ama khubarada cunnooyinka ku xeel dheer kala tashan. Hase yeeshee, waxay si gaar ah uga digayaan sharaab kasta oo qaab online ah lagu soo iibsado kaddibna la isticmaalo inaan inta badan cayilka lagula dagaallami karin.

Haweeney Sharaab cabeyso

Sharaabka noocyadiisa kala duwan ee ay khubaradu caafimaad ahaan ka deyrinayaan dhibaatooyinka laga dhaxlo waxay ku sheegeen iney ka mid yihiin madax xanuun, wareer (dawakhaad), daal tira badan, shuban ama calool fadhi.

Xataa sharaabka noocyada caafimaadka u wanaagsan wuxuu waxyeello u geystaa quruxda ilakaha ayey yirahdeen khubarada .

Qofka Calorie ku filan haddii uu heli waayana waxay khubaradu sheegeen neftiisu iney isbaddaleyso af-urna uu ku imanayo.

Dhibaatada sharaabka ee ay dadka miisaan dhimista u isticmaala ay la kulmaanna waxaa kale oo ka mid ah iney dadkaasi badankood halka ay caatoobi lahaayeen ay cayilaan.

Sharaab koob ku jira

Waxayna khubaradu ku talinayaan iney dabeecadda jirkooda la socdaan, ayna raacaan talooyinka khubaradu sida oo kalana halka ay sharaab oo keli ah ay ku tiirsanaan lahaayeen iney dajistaan qorshe joogta ah oo ay hadafkoodu ku gaari karaan.

 

“Cuntooyinka qof uu cuni jiray oo uu gabi ahaanba iska joojiyo ama uu yareeyo, cuntooyinka jirka uu ka heli lahaa Carolie ku filan xal ma aha,” ayuu leeyahay Dr Siman Stensen oo ka tirsan ururka takhasusuaadka cunnooyinka ee Britain.

“Mararka qaarna jirka aan moodeyno inuu isdhimay oo u muuqdo inuu hilib ka dhacay waxaa sababab murqaha qofka oo daciifo tamarti ku jirtayna ay ka dhammaato. Cuntooyinka sida degdegga ah loo joojiyo iyo caatanamida ku timaadda isbeddelka ku yimaadda cunnooyinka mararka qaar qofku waxay qofka ku keenaan xameetida inuu dhagax galo, iyo dhibaatooyin caafimaad oo la mid ah inuu qofka la soo derso,” ayuu yiri.

Qofka haddii ay haysato xaalad caafimaad darro inta uusan baddalin cuntooyinki uu isticmali jirayna waxaa wanaagsan inuu la tashato khubarada cafimaadka ama kuwa ku takhasusay cunnooyinka.

Qaar ka mid ah cuntooyinka aan caafimaadka qabin

Khubarada takhasuskoodu yahay cuntooyinka waxay sheegayaan noocyada kala duwan ee cuntooyinka ee aan isticmaalno iney isugu jiraan kuwa waxtar aad u weyn noo leh iyo kuwa caafimaad darro noo keeni kara.

Waxaana inta badan sameynta caafimaad ee cuntooyinkaasi u geystaan jirkeenna ay ku xiran tahay habka aan u bisleyno, xaddiga aan cuntadaasi ka qaadanno, xilliga aan isticmaalno iyo waxyaabaha kale ee cuntooyinkaasi marka la sameynayo lagu daro.

 

Waxaana marag ma doonta ah sida ay khubaradu sheegayaan iney jiraan cuntooyin badan oo khatar caafimaad oo aad u weyn aan ka dhaxli karo oo dadkuna iyaga oo aan ogeen ay si joogta ah u isticmalaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this