Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni iyo Axmed Karaash oo ku muransan kursiga Golaha Shacabka ee Hop#221

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa ku muransan Kursiga Golaha Shacabka ee Hop#221 oo laga soo doorto Gobolka Sool.

Deni iyo Karaash ayaa ku muransan shakhsiga loo xirayo kursiga Hop#221 waxaana la xaqiijiyay in uu natiijo la’aan ku dhammaaday kulan dhexmaray labada mas’uul.

Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Jibriil iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Dhabancad ayaa sida la sheegay bilaabay dhex-dhexaadinta labada dhinac si loo xalliyo muranka taagan.

Kursigaas waxa raadinaya shakhsiyaad kala duwan oo ka soo jeeda Beesha Bah-ararsame (Sool clan) islamarkaana weli lama saadaalin karo cidda ku soo baxaysa haddii aan la xallin khilaafka ka dhashay.

PUNTLAND POST

The post Siciid Deni iyo Axmed Karaash oo ku muransan kursiga Golaha Shacabka ee Hop#221 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this