Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Tuma Askariyad Somali Mareykan Ah Oo Kursiga Ku Heysata Ilhaan Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Shukri Cabdiraxmaan oo ah Askariyad howlgab ah kana tirsanayd Ciidanka Mareykanka ayaa isu soo sharraxday Kursiga Kongareeska Mareykanka ee ay ku fadhido Ilhaan Cumar.

Shukri ayaa 28kii Feb shaacisay in ay u sharraxantahay kursiga Aqalka wakiillada Mareykanka ee lagu matalo Minnesota. Waxaa ay Ilhaan Cumar ku eedeysay qof madax adag oo laba jeer fursad la siiyay,waxbadanna aan u qaban gobolka ay matasho.

Shukri ayaa ka tartameysa Xisbiga Jamhuuriga ah halka Ilhan ka tirsantahay Xisbiga Dimuqraadiga.Waxaa ay sheegtay in ay Soomaaliya ka carareen iyada oo yar kaddib markii Ciidankii Siyaad Barre ay aabbaheed kala baxeen kaddibna sumeeyeen.

Qoyskooda ayaa galay Kenya, xero qaxooti ayaa laga qaaday waxaana ay noqdeen muwaaddiniin Mareykan ah.Waxaa ay ku biirtay Ciidanka Mareykanka iyada oo ka mid ahayd Askartii Mareykanka ee ka dagaallamay Waddanka Ciraaq.

Intii ay ku maqnayd Ciraaq ayey isguursadeen seygeeda oo ay u dhashay carruur inkasta oo ay kala tageen.Iyada ololaha doorashada ee xisbiga Jamhuuriga ayaa billaabanaya 9 August 2022, halka doorashooyinka guud ay dhacayaan 8 November 2022.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this