Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekadii Berbera Iyo Bucurde

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin ka mid ahaa odayadda reer Berbera oo magaciisa la odhan jiray Axmed Aw Xasan Cali oo ku magac dheeraa “Bucurde” Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee ayaa maalin maalmaha ka mid ah ku soo baxay meel lagu buuqsan yahay bartamaha magaalada Berbera. Bucurde isla markii uu buuqii soo dhex galayba wuxuu ogaaday in laba nin oo islaynaya laysku daawanayo. Bucurde si xanaaqsan oo qaylo dheer buu dadkii ugu odhanayaa; “waar miyaydaan Ilaahay ka baqaynin maxaa ragga u kala qaban waydeen oo aad isugu daawanaysaan ragga is laynaaya. Quruumo horaa lagu rogay iyagoo laba diig oo is dilayey daawanayaaye!”

Burcurde ayaa markan damcay inuu isaga laftigiisu kala qabto nimankan is dilaaya. Show nimankan is dilaaya waxaa ku jiray nin uu hore Burcurde u yiqiinnay oo ay dadkii iyo odoyadiiba khaatiyaan ka taagnaayeen. Taasina waaba malaha sababta ay dadku u kala qaban waayeen kolay arkeen kii dhibaatadda badnaa oo laga gacan sareeyo. Bucurde markuu is yidhi nimankii kala qabo iyadoo markaasi uu midi kii kale ka sareeyo oo feedh la dhacayo ayuun buu kii wax dilaayey intuu garba duub u qabtay oo kor uga dul qaaday ninkii jiifay ayuu hoos eegay, mise ninka hoose ee la dilaayey waaba ninkii mashaakilka badnaa ee dadka nafta isugu keenay. Intay Bucurde markiiba shucuurtiisii is badashay ayuu ninkii uu kor u hayey sii deynayaa oo uu weliba ku giijinayaa ninkii uu ku dul jiifay isagoo dhegta u saaraya haddana kor u sheegaya ayuu odhanaya; “waar hawshaadda wado!” halkiibaa dadkii fajaciso qaar la qosleen. Imikana marka qof qof lagu sallidayo ayaaba lays yidhaahdaa hawshaadda wado hebeloow oo nooc maah-maah oo kale ah ayaabay noqotay.

W/Q Jamaal Cali Xuseen

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this