Deeq A. Posted March 10, 2022 Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta waxaa lagu doortay sedex kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaiya, kuwaas oo tirsigoodu kala yahay HOP#066, HOP#010 iyo HOP#030, oo guddigu horay u shaaciyey. 1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#30 ayaa waxaa markii labaad kusoo baxay xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, kaas oo horay Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey kursigaan, codad gacantaag ah oo gaaraya 101 cod ayuu kusoo baxay Daahir, kadib markii tartan kursiga uu ka tanaasulay musharraxii kula tartamaayey kursiga Cali Cabdullahi Xeefow oo isaga hatay tartankaas. 2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#010 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdulraxmaan Axmed Cismaan (GUREEY), waxaana uu 88-cod ka helay Ergadii goobta joogtay oo aheyd 90 xubnoon, waxaa tartanka isaga tanaasulay Cabdinaasir Maxamuud Cabdi oo ahaa musharraxa kale waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi. 3: Kursiga tirsigiisu yahay ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maalik Ibraahim Cabdalla, kaas oo wareegii labaad ku qaaday codka hal-dheerida ah, waxaa kursiga ku tartamay sedex musharrax kuwaas oo kala ahaa Maalik Ibraahim Cabdalla, Cumar Cusmaan Waasuge iyo Cabdirahman Daahir Guure,waxaana loo gudbay wareega labaad markii cidna aysan guulaysan. 1. Maalik Ibraahim cabdalla 58 cod 2. Cumar CUSMAAN waasuge 7 cod 3. Cabdiraxmaan Daahir Guure 31 cod. Wareegii labaad ee tartanka kursiga ayaa waxaa u gudbay labada musharrax ee ugu codka badnaa kuwaas oo kala ahaa musharrax Maalik Ibraahim cabdalla oo helay 58 cod iyo musharrax Cabdiraxmaan Daahir Guure oo helay 31 cod, waxaa markii dambe codka hal-dheerida ee 50+1 kusoo baxay xildhibaan Maalik Ibraahim cabdalla sida guddigu uu shaaciyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites