Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada dadban ee Puntland oo laga sugayo lixdii kursi ee u dambaysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland ayaa laga sugaya in ay shaaciyaan doorashada lixdii kursi ee u dambaysay golaha shacabka.

Doorashada lixdaas kursi ayaa lagu wadaa in ay Garoowe ka qabsoonto todobaadka soo socda.

Kursiga Hop#199 ee laga soo doorto Gobolka Mudug oo ay u sharraxan yihiin dad kala duwan ayaa ugu hadal-hayn badan kuraasta harsan.

Dowladda ayaa doonaysa in kursigaas Hop#199 shakhsi gaar ah loo xiro balse isinka Beesha ayaa raba in lagu tartamo.

Guddiga ayaa horay u qabtay doorashada 31 kursi oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashada dadban ee Puntland oo laga sugayo lixdii kursi ee u dambaysay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this