Sign in to follow this  
Deeq A.

Asaasaha Worldremit oo helay farriin in lacag barakace loo soo diray

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20220310-WA0002.jpg?resize=396%2C222Ismaaciil Axmed filanwaa ayay ku noqotay inuu helo farriin ka dhigtay barakace yabooh lacageed ka helay UNHCR.

Muqdisho (Wararka PP) — Ismaaciil Axmed, asaasaha shirkadda xawilaadda caalamiga ah Worldremit, ayaa farriin ka helay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan qaxootiga (UNHCR). Farriintu waxay ku saabsan tahay inuu helay lacag dakhli kabis ah oo la siiyo dadka barakacayaasha ah oo ku tabaaloobay abaarta.

IMG-20220310-WA0004.jpg?resize=804%2C978 IMG-20220310-WA0003.jpg?resize=396%2C207Ismaaciil Axmed ayaa asaasay Worldremit

Ma cadda sida UNHCR ay magaca Ismaaciil ugu dartay magacyada dadka ka faa’iida mashruuca lacag ku taakuleynta saboolka iyo barakacayaasha. “Waan ogaan doonaa sida aan u noqday yabooh qof la siiyo” ayuu Ismaaciil ku qoray gacankiisa Twitterka.

Hay’adda UNHCR waxay kaalmo lacageed siisaa qoysas badan oo ay abaaruhu xoolo-tireen.

© Puntland Post, 2022

The post Asaasaha Worldremit oo helay farriin in lacag barakace loo soo diray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this