Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1646917538679.jpg?resize=721%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Larry Andre oo ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaadadeed ka soo baxay xafiiska Rooble, Ra’ Ra’iisu Wasaare Rooble iyo Danjire Andre ayaa isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, waxa uuna ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay.

PUNTLAND POST

The post Rooble oo sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this