Sign in to follow this  
Deeq A.

“Madaxweyne Cigaal (AHUN) ayaa laga hayaa inuu yidhi Muuse Biixi iyo Warbaahinta hala kala ilaaliyo oo micnaheedu yahay hadal gef ah baa ka dhici kara Aw Muuse” Cali Kubad

Recommended Posts

Deeq A.   

“Madaxweyne Cigaal (AHUN) ayaa laga hayaa inuu yidhi Muuse Biixi iyo Warbaahinta hala kala ilaaliyo oo micnaheedu yahay hadal gef ah baa ka dhici kara Aw Muuse. Hadal xumi iyo is adkayn aan waqtigeedii ahayn buu is la keen hor mutaxay Madaxweyne Muuse Biixi, ma xukun milateri iyo inqilaab ayuu dalka madaxweyne ugaga noqday miyaan la soo dooranin, waa maxay ciidanka qalabka sidow idiinka doorashada cadaaladeeda, ilaalinteeda, iyo ka caabinta Somaliland cadowgeeda gudaha iyo ka dibedaba ka masuul ah oo uu xil idiinka saaran yahay. Doorashooyinka gudida komminshanka Qaranka JSL ayaa u xil saaran waqtigii dhacayso iyo sida loo qabanayoba, waxii is ismaan dhaaf ka yimaadana waxay isaga sii gudbiyaan waaxda garsoorka (Maxkamada) Somaliland, isla markaasna ciidamada kala duwan sida xooga dalka Somaliland, bileyska, iyo intii nabada u qaabilsan oo dhamina gacan weyn bay ka siiyaan KDQ Somaliland, imminka iyo hadhowtona ay ka gacan siin doonaan in’sha’Allahu.”

Waxa qoray Cali Xasan Cismaan “Cali Kubad”, Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Komishanka doorashooyinka

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this