Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo darsaya duullaanka Ruushku ku qaadey Ukraine si uu isna Taiwan u qabsado

Recommended Posts

Deeq A.   

Shiinaha oo darsaya duullaanka Ruushku ku qaadey Ukraine si uu isna Taiwan u qabsado

Ciidamada Taiwain

Madaxda sirdoonka ee dalalka Galbeedka ayaa si dhaw idhaha ugu haya tallaabooyinka uu Shiinaha qaadayo ee ku aaddan Taiwan, xilli caalamka uu ku sii jeedo colaadda ka taagan Ukraine.

Agaasimaha sirdoonka qaranka ee Maraykanka, Avril Haines, ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Shiinaha ay darsayaan qaabka ay dowladaha Galbeedka u wajaheen duullaanka Ruushka, iyo waxa ay Moscow u dhimi karto cunaqabateynta la saaray.

Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dalkiisa, halka xukuumadda Taipei ay sheegato inay tahay dal madax bannaan, inkasta oo ay kooban yihiin dalalka la leh xiriirka diblomaasi.

“Waxaa suuragal ah in Shiinaha uu ka walaaco saamaynta ka dhalan karta duullaan uu ku qaado Taiwan, maadaama uu arkay sida Maraykanka iyo Yurub ay ugu midoobeen go’doominta iyo cunaqabateynta Ruushka,” ayay tiri Haines.

Waxaa feker kaa u dhaw qaba agaasimaha hay’adda CIA, Bill Burns, oo sheegay in Shiinaha uu si fudud uga degdegi doonin duullaan ka dhan ah Taiwan, balse waxa uu raaciyay in Madaxweyne Xi iyo hogaanka sare ee dalkaas ay u muuqan karto fursad kale oo ay kula dagaallamaan xukuumadda Taipei.

Wasiirka gaashaandhiga ee Taiwan, Chiu Kuo-cheng, ayaa Khamiista maanta ah sheegay in duullaan uu ku soo qaado Shiinaha aanu noqon doonin mid sahlan, oo xitaa dhinaca guulaysta uu kala kulmi doono khasaaro ballaaran.

Inkastoo Taiwan ay heegan galisay ciidamadeeda, hadana ma jiraan astaamo muujinaya in Shiinaha uu xilligan isu diyaarinayo duullaan.

Shiinaha ayaa ku doodaya in aan la is barbar dhigi karin Taiwan iyo Ukraine, oo jasiiraddaas ay tahay qeyb kamid ha dal-weynihiisa, halka Ruushka uu dagaal ku qaaday dal madax bannaan oo la aqoonsan yahay.

Shiinaha ayaa diiday inuu cambaareeyo Ruushka ama uu waxa ka socda Ukraine ku tilmaamo duullaan.

Biden
Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa uu difaaci doono Taiwan, haddii uu Shiinaha weerarro.

Taiwan iyo Maraykanka

Madaxweyne Biden ayaa todobadakii hore Taiwan u diray wefdi heer sare ah, una badan mas’uuliyiin hore. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid garab istaag u muujinaysa xukuumadda Taipei, isla markaana uga digaysa Shiinaha in uusan duullaan qaadin xilli Washington ay ku mashquulsan tahay colaadda Ukraine.

Maraykanka ayaa xiriir dhaw la leh Taiwan si uu u xakameeyo awoodda Shiinaha, arrintaas oo ay daandaansi u aragto xukuumadda Beijing.

Xukuumadda Washington ayaa Taiwan u oggolaatay inay ka iibsato hub qiimihiisu ku kacayo 19 bilyan oo dollar lixda sano ee soo socota.

Inkastoo ay Washington mar Taiwan u aqoonsaneyd dal jira, haddana heshiis ay Beijing iyo Maraykanka gaareen sanadkii 1979 ayaa waxa ay isla garteen in Shiinaha uu yahay dal mid ah, taasoo keentay in Taipei uu kala noqdo aqoonsiga.

Sidaa oo ay tahay, Maraykanka ayaa xiriir aan rasmi ahayn la leh Taiwan, oo haysata hannaanka dimuqraadiga ah, isla markaana xiriir diblomaasi la leh dalal dhowr ah.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Maraykanka, Qin Gang, ayaa horraantii sanadkan ka digay in arrinta Taiwan ay dhalin karto in xukuumadaha Beijing iyo Washington ay isaga horyimaadaan dagaal milateri oo toos ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this