Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuraas beri lagu dooran lahaa Beledweyne oo la hakiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa hakiyay saddex kursi oo doorashadooda beri lagu qaban lahaa Beledweyne.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa lagu yiri “Iyadoo ay ka imanayso cabasho kuraasta tirsigoodu yahay Hop#010, Hop#030 iyo Hop#066, waxa uu guddigu farayaa Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabeelle in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta ku xusan ilaa laga saxayo habraaca iyo tabashooyinka ka yimid”.

Kuraastan oo horay loo hakiyay ayaa maanta Guddiga Doorashada Hirshabelle sheegay in la fasaxay, kadib markii la xaliyay cabashooyinkii loo hakiyay.

Kursiga Hop#010 oo ku fahiyo Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi, kusriga Hop#030 oo ku fadhiyo Daahir Amiin Jeesow iyo kurisiga Hop#066 oo ku fadhiyo Cumar Cismaan Waasuge, waxaa ka taagan dood adag, kadib markii musharaxiin gaar ah loo xiray.

Lama yaqaan in uu fulayo iyo in kale go’aanka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, iyadoo go’aano uu horay u soo saaray hirgeli-waayeen.

FB_IMG_1646847256833.jpg?resize=720%2C91

PUNTLAND POST

The post Kuraas beri lagu dooran lahaa Beledweyne oo la hakiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this