Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Gabadh Yar Oo Hab Aan Hore Loo Arag Loo Dilay Oo Lasoo Dhigay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Meydka Gabadh yar oo saqiir ahayd oo la sheegay inay dhawaan dhalatay ayaa waxaa lasoo dhigay xaafadda Raadeerka ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Meydka Gabadhan oo si xun loo jidh dilay ayaa waxaa lasoo dhigay Luuq u dhaxeeya laba Guri, waxaana madaxa loo geliyey digsi.

Dadka deegaanka ayaa saaka kusoo waabariistay meydka Gabadhan, waxayna dadka xaafadda sheegeen inay meesha soo dhigtay hooyadii dhashay.

“Meydka Gabadha si xun ayaa loo jidh dilay, wajiga iyo madaxa ayaa la burburiyey, indhaha waa laga bixiyey xataa lama aqoonsan karo wajigeeda, aad ayaan uga naxay markaan arkay,” ayey tidhi gabadh ka mid ah dariska oo aheyd qofkii ugu horeeyey ee arkay meydka gabadhan.

Sidoo kale qof kale oo dadka deegaanka oo ayaa yidhi “Meydka Gabadhaan saaka ayaan aragnay, waxaa ku taallay xuduntii lagu dhalay, waa Gabadh goor dhawayd la dhalay, waxaa laga yaabaa in markii hore si sharci darro ah lagu dhalay, balse waxaa taas kasii dambi badan dilka loo geystay.”

Goobta lasoo dhigay meydka Gabadhan ayaa waxaa soo gaadhay ciidammada Booliska ee Degmada Dayniile, waxayna sheegeen inay baadhitaan ku sameenayaan ciddii ka dambeysay falkaan.

Arrintaan ayaa argagax iyo naxdin ku abuurtay dadka deegaanka, illaa haddana lama aqoonsan hooyada dhashay ilmaha yar ee sidan ula dhaqantay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this