Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo Digniin u Diray Dadka Iibiya Maandooriyaha

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Degmada Hiliwaa uga qeyb galay ololaha wacyigalinta ka hortaga isticmaalka Maandooriyaha oo si joogta ah uga socda degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaasha degmooyinka, agaasimayaal, culuma’udiin, Iyo ururada bulshada rayidka ayaa goob joog ka ahaa goobta munaasabada looga hadlayay ololaha wacyigalinta ka hortaga Maandooriyaha, taas siweyn isticmaalkeeda ugu dhex faaftay bulshada caasimadda laguna iibiyo goobo gaar ah.
Gudoomiye Cumar Filish ayaa ka hadlay qatarta balaaran oo uu bulshada iyo xasiloonida Caasimadda ku haayo isticmaalka Maandooriyaha, waxaana uu fariin u diray dadka ku howlan ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya, xili uu ka hadlaayey goobta ay ka socotay munaasabadda  wacyi galinta ah.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda ayaa maalmihii ugu dambaysay waxaa uu degmooyinka gobolka uga qeybgalayey ololaha wacyigelinta maandooriyaha, waxaana dhowr jeer uu ku ciliyey inaan loo dul qaadan doonin dadka iibiya iyo kuwa keena dalka Maandooriyaha  nuucyadiisa kala duwan.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this