Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo Hakiyey Kuraas Shahaadooyinkoodii La Bixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa hakiyey doorashada kuraas katirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad oo deegaan doorashadoodu ay tahay dowlad goboleedka Hirshabeelle, sida lagu shaaciyey qoraal uu soo saaray.

Kuraasta tirsigoodu kal yahay HOP030, HOP010 iyo HOP066, kuwaas oo yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay guddigu inuu hakiyey kadib markii ay soo gaartay cabasho ku  aadan sedexdaan kursi.

Guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka ayaa fasaxay doorashada kuraasta waxaana musharraxiinta u tartamaysa ay qaateen shahaadooyinka muujinaayo in ay yihiin musharraxiin u taagan kuraasta doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan.

1:kursiga tirsigiisu yahay HOP#030 waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Daahir Amiin Jeesoow.

2: Kursiga tirsigiisu hay HOP#010 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey  Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi,

3: Kursiga HOP#066 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Cumar Cismaan Waasuge.
No description available.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this