Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ruushka oo qabsaday wershadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhia.

Recommended Posts

Deeq A.   
2.png?resize=802%2C446&ssl=1

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in Ciidamada Ruushku ay maanta qabsadeen wershadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhia.

Wasiirka Tamarta dowladda Ukraine Herman Halushenko ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Ciidamada Ruushku ay gudaha u galeen wershadda islamarkaana si xun ula dhaqmeen shaqaalihii wershaddaas.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ilaa 500 oo Askata Ruushka ah ay galeen gudaha Warshadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhia halkaas oo ay ka geeysteen dhibatooyin kala duwan.

Ciidamada Ruushka oo 24-kii bishii Febraayo, bilaabay dagaal milatari oo ay ku qadeen dhulka Ukraine, ayaa la wareegay qeybo ka mid ah dhulka Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Ruushka oo qabsaday wershadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhia. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this