Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa kusoo baxay doorashada ka dhacday Baydhabo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#099 iyo Hop#168 ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Doorashada kuraastan ayaa waxaa ku soo baxay xubnaha kala ah:-

1-Axmed Madoobe Nuunow oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#099.

2-Luul Ibraahim Cumar oo ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#168.

Guusha xubnahan ayaa horey loo sii oogaa, maadaama si gaar ah loogu xiray kuraasta ay ku soo baxeen, iyaga oo aan gelin tartan adag.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

275259600_169343092094964_33647038340969 275075454_4957151554374211_5908966765011 275084141_169343045428302_92120186447794

The post Yaa kusoo baxay doorashada ka dhacday Baydhabo? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this