Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Maraykanka oo Ruushka dartii la heshiiyey Dal uu go’doon geliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Maraykanka oo Ruushka dartii la heshiiyey Dal uu go’doon geliyey

Madaxweyne Maduro (midig) iyo ra'iisal wasaare ku xigeenka Ruushka oo Caracas ku kulmay bartamihii February.
Madaxweyne Maduro (midig) iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka Ruushka oo Caracas ku kulmay bartamihii February.

Xukuumadda Washington ayaa lagu soo warramayaa inay ka baaraandegayso sidii ay cunaqabateynta uga khafiifin lahayd dalka Venezuela, kadib markii uu Madaxweyne Biden shaaciyay inuu joojiyay shidaalka iyo gaaska uu dalkiisa ka iibsado Ruushka.

Mas’uuliyiin ka socda Washington ayaa Sabtidii la soo dhaafay gaaray caasimadda Caracas, halkaas oo ay wadahadal kula yeesheen xukuumadda Venezuele, iyagoo kala hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii dalkaas shidaalka qaniga ku ah uu u haqab tiri lahaa baahidda tamarta ee Maraykanka.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Maraykanka uu Venezuela kala hadlay isbedal lagu sameeyo habka loo maamulo shidaalka dalkaas, si loo xoojiyo awoodda dhoofinta, isla markaana ay ku lug yeeshaan shirkado caalami ah.

Qiimaha shidaalka caalamka ayaa hadda gaaray meeshii ugu saraysay muddo 14 sano ah, waxaana la saadaalinayaa in uu aad sare ugu kici doono maalmaha soo socda.

Ruushka ayaa ah dalka saddexaad ee shidaalka ugu badan u dhoofiya caalamka, waxaana saamigiisa lagu qiyaasaa 10% shidaalka adduunka laga isticmaalo.

Arrimaha ay labada waddan ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ah in Maraykanka uu khafiifiyo cunaqabateynta uu Trump saaray Venezuela sanadkii 2019, sida uu sheegay wargeyska Wall Street Journal.

Mas’uuliyiinta tegay Caracas ayaa waxaa kamid ah la taliyaha Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Latin Amerika, Juan Gonzalez iyo safiirka Maraykanka ee Venezuela, James Story. Waxa ay la kulmeen Madaxweyne Nicolas Maduro iyo kuxigeenkiisa Delcy Rodriguez, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wakaaladda ayaa intaa raacisay in Venezuela ay shuruudo dhowr ah hor dhigtay wefdiga Maraykanka, ayna kamid yihiin in meesha laga saaro xayiraadda dhoofinta shidaalka, cunaqabateynta la saaray Maduro iyo mas’uuliyiinta kale iyo weliba in gacanta dowladda lagu soo celiyo maamulka shirkadda Citgo Petroleum oo ah mid uu Maraykanka qeyb ka leeyahay balse hoos tagta shirkadda qaran ee shidaalka Venezuela, PDVSA.

Maraykanka ayaa la sheegay in dhankiisa uu dalbaday qabashada doorasho madaxtinnimo oo xor ah iyo in Maduro uu ka laabto taageerada uu u muujiyay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Moscow iyo Caracas ayaa sanadihii dambe lahaa xiriir aad u dhaw.

Venezuela oo sanadihii sagaashameeyadii soo saari jirtay 3.2 milyan oo barmiil maalintii ayaa hadda soo saarta oo keliya 800,000 oo barmiil, taasoo aan waxba ka tari karin baahida suuqyada caalamka, sida uu sheegay wargeyska Wall Street Journal.

Shaqaalihii shirkaddaas ayaa lagu soo warramayaa in badankood ay dalka ka carareen dhaqaalo xumida soo food saartay awgeed.

Shidaalka

Shidaalka Ruushka

Maraykanka iyo UK ayaa shaaciyay inay mamnuucayaan shidaalka ay dalalkooda ka iibsadaan Ruushka.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in tallaabadaas ay ku beegsanayaan “halbawlaha ugu weyn dhaqaalaha Ruushka.

Midowga Yurub ayaa dhankiisa shaaciyay inuu dhimi doono gaaska uu ka iibsado Ruushka. Dalalka EU ka tirsan ayaa 40% gaaska ay isticmaalaan ka hela Ruushka.

Tallaabadan ayaa horseedi doonta in sicirka shidaalka ee Yurub uu aad sare ugu kaco.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this