Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin ka mid ahaan lahaa Afduubayaashii gaystay Weerarkii 9/11 oo la siidaynayo+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin ka mid ahaan lahaa Afduubayaashii gaystay Weerarkii 9/11 oo la siidaynayo+Sababta

Guantanamo, Cuba
Guantanamo, Cuba

Nin u dhashay Sucuudiga oo lagu sheegay in uu yahay afduubihii 20-naad ee ka mid ahaa 19-kii ninkii ee ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Maraykanka ayaa laga siidaayay xabsiga Guantanamo, sida ay shaacisay wasaaradda difaaca Maraykanka.

Maxamed Al-Qahtani oo 46 jir ayaa la sheegay in uusan halis muuqata hadda ku ahayn amniga Maraykanka sida ay go’aamiyeen guddi loo saaray arrinkiisa.

Guddiga ayaa sheegay in ninkani uu dhaawac culus kasoo gaaray dhanka maskaxda. Qahtani ayaa waxaa la sheegay in si xun ay u jirdileen baarayaashii kula kulmay xabsiga sanadkii 2001-dii.

Guddiga ayaa shuruud kaga dhigay siidaysmadiisa in uu xaadiro xarunta dhaqancelinta dadka jihaad-doonka ah ee Amiir Maxamed Bin Nayeh ee la talinta iyo daryeelka ee Sucuudiga, halkaas oo uu ku heli doono daryeel.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Al-Qahtani lagu waday in uu fuulo diyaaradihii la afduubtay, gaar ahaan duulimaadka United Airline Flight 93, taas oo ku qaraxday Pennsylvania, balse laga hor istaagay in uu Maraykanka galo bil ka hor dhacdadaas.

Ninkan ayaa afar bil kadib weerarada lagu qabtay xudduuda Afghanistan iyo Pakistan, waxaana la geeyay xabsiga Guantanamo Bay ee Cuba, waxaana dhacday in baarayaasha ay jirdileen kadib markii hadal laga keensiin waayay.

Intii u dhaxaysay 2002-dii illaa 2003-dii waxa uu maray ciqaabo kala duwan sida go’doomin kelinimo, hurdo la’aan, xad gudubyo galmo iyo waliba in qaboow lagu furo.

Sanadkii 2009-dii, sarkaalad sare oo ka tirsanayd maamulkii Bush, Sudan Crawford ayaa sheegtay in sida loola dhaqmay Al-Qahdani ay tahay ‘Jirdil’ , sidaasi awgeedna aanan la horgeyn doonin garsoorka.

Dhaqtar dhanka maskaxda ah oo ay qabsadeen garyaqaanada Al-Qahtani, ayaa sheegay in ninkani uu wajahayo caafimaad darro dhanka maskaxda ah, taas oo ay ugu wacantahay jirdilkii loo geystay. Isaga oo xitaaisku dayay in uu nafta is dhaafiyo dhawr mar.

Wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in 38 maxbuus ay ku hareen Guantanamo kadib siidayntii Qahtani. 19 ayaa xaq u leh in meel kale loo wareejiyo, halka 10 kalena ay sugayaan maxkamad ciidan, waxaana ka mid ah ninkii ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarka Khaalid Sheekh Maxamed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this