Sign in to follow this  
Deeq A.

Jindi oo shaaciyey ballan-qaad loo sameeyey, iskana fogeeyey dagaalkii B/Weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo ka mid ah musharaxiinta ku sugan magaalada Beledweyne ayaa faahfaahin ka bixiyey wixii shalay ka dhacay magaaladaas iyo halka ay ku sugnaayeen markii uu dagaalku qarxay.

Jindi oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in kulan gaar ah ay shalay madaxtooyada HirShabeelle ee Beledweyne kula yeesheen Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Yuusuf Dabageed oo isagu casuumay.

Intii uu socday kulankaas ayuu sheegay in banaanka madaxtooyada ay ka bilaabatay rasaas xoog leh, taas oo argagax badan ku abuurtay asaga, musharaxiintii kale iyo Yuusuf Dabageed oo ay shir kula jireen.

“Shirka oo gabagabo ku sii dhow ayey albaabka madaxtooyada ka bilaabatay rasaas aad la isugu riday, argagax badan ayaa jiray, ma jirin cid war ka heysay waxa socda iyo halka laga soo abaabulay,” ayuu yiri Jindi.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay been abuur ku tilmaamay warar sheegayey in waxa qalalaasaha Beledweyne ka kiciyey uu qeyb ka yahay kursiga beeshiisa ee HOP010 oo 5-tii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey.

“Haba yaraatee ma jiraan wax aniga ama dadka aan metelo ku kalifaya inay hub qaataan oo wax laayaan oo arbushaad intaas la eg ay u soo baxaan, marka wixii dhacay ma naqaano cida geysatay iyo sababtii ka dambeysay,” ayuu yiri Cabdirisaaq Jindi.

Wararka laga baahiyey dagaalkii shalay Beledweyne ka dhacay waxaa qeyb ka ahaa in xiisadu ay salka ku heyso kuraas uu madaxweyne ku xigeenka maamulkaas la doonayo in loo xiro xubno ay wadato Villa Somalia.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in taasi ay been tahay oo laba kulan ay madaxda HirShabeelle ugu cadeeyeen in kuraastaas lagu tartami doono oo qolo gaar ah aan loo xiri doonin.

“Madaxweyne ku xigeenku wuxuu noo sheegay in dhaqdhaqaaq badan uu magaalada ka jiro, loona baahan yahay in la dejiyo xaaladda, si doorasho nabdoon loo qabto, intaas ayuu nagala hadlay, waxuuna balan qaaday sidii habeen hore ay noola hadleen isaga iyo Cali Guudlaawe in qof gaar ah aan kursi loo xiri doonin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jindi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Yuusuf Dabageed uu u cadeeyey in kuraastii labada ahaa ee kiisu ku jiray ee shalkay la hakiyey doorashadooda ay hadda lamid yihiin kuraasta kale, “Sabab igu kalifi karta ma jirin in dagaalkii aan anigu ka dambeeyo,” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga

The post Jindi oo shaaciyey ballan-qaad loo sameeyey, iskana fogeeyey dagaalkii B/Weyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this