Sign in to follow this  
Deeq A.

MAREYKANKA oo qaaday tallaabadii ugu adkeyd ee lagu ciqaabayo RUUSHKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Isaga oo si xooggan u weeraraya dhaqaalaha Ruushka, ayaa madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu Talaadadii amray in la mamnuucay soo-dhoofinta shidaalka Ruushka, si looga aarguto duulaanka uu Putin ku qaaday Ukraine.

Dadka Mareykanka waxay sidoo kale xanuun ka dareemi doonaan ajabka shidaalka – ayuu yiri Biden oo qiraya sare ukac ku iman doona shidaalka, balse wuxuu yiri “Difaaca xoriyadda waxay ku fadhin doontaa qiime.”

Xayiraadda so-dhootinta shidaalka ayaa aheyd qeyb muhiim ah oo ka maqneyd cunaqabateenada la saaray Ruushka. Dhoofinta tamarta ayaa Moscow u ah il-dhaqaale oo kaash badan oo kusoo galo.  

“Qeyb kama noqon doonno kabidda dagaalka Putin,” ayuu yiri Biden, oo ugu yeeray tallaabada cusub “jug xoog badan” oo ka dhan ah awoodda ay Ruushka ku maal-gelinayaan sii wadidda weerarka.

Biden wuxuu sheegay in Mareykanka ay tallaabadan qaadeen ayaga oo wada-tashi dhow la leh xulufadooda Yurub, kuwaas oo si ka badan Mareykanka ugu tiirsan tamarta Ruushka, islamarkaana qirtay inaysan awoodi doonin inay si deg deg ah ugu biiraan. 

Go’aanka Biden ayaa ah isku daygii ugu dambeeyey ee Ruushka looga go’doominayo dhaqaalaha adduunka, laguna xaqiijinayo in duulaanka Ukraine uu noqdo guuldarro asiibta Putin, xitaa haddii uu dhul qabsado. 

“Ukraine marnaba guul uma noqon doonto Putin,” ayuu yiri Biden. 

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa tweet ku amaanay tallaabada Biden. “Waa ku mahadsan yihiin Mareykanka iyo madaxweyne Biden inay wadnaha ku dhufteen mashiinka dagaalka Putin ayna suuqyada Mareykanka ka mamnuuceen shidaalka, gaaska iyo dhuxusha Ruushka. Waxaan dalalka iyo hoggaamiyayaasha kale ku boorinayaa inay raacaan.”

Midowga Yurub ayaa toddobaadkan ballan-qaadi doona inuu si tartiib ah u jaro ku tiirsanaanta tamarta Ruushka sida ugu dhaqsaha badan, hase yeeshee in booskaas la buuxiyo ayada oo aanu dhaawac gaarin dhaqaalaha Midowga Yurub ayaa qaadan doonta muddo.

UK oo aan hadda qeyb ka aheyn Midowga Yurub ayaa Talaadadii ku dhowaaqday inay dhammaadka sanadkan meesha ka saari doonto soo-dhoofinta saliidda iyo shidaalka Ruushka.

Si ka duwan Mareykanka oo ah dal weyn oo soo saara shidaalka iyo gaaksa, Yurub ayaa 90% gaaskeeda iyo 97% shidaalkeeda soo dhoofisa. Ruushka ayaa bixiya 40% gaaska Yurub iyo 25% shidaalkeeda. Mareykanka Ruushka kama soo dhoofiyo gaas dabiici ah.

The post MAREYKANKA oo qaaday tallaabadii ugu adkeyd ee lagu ciqaabayo RUUSHKA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this