Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Shabaab oo howlgal lagu dilay iyo kuwa kale oo nolosha lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ay si wadajir ah ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland uga sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Somalia.

Howl-gallada ayaa waxaa lagu beegsaday deegaano ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in inta ay socdeen howl-galladu ay dagaallo dhex-mareen labada dhinac, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in howl-galladan ay ku dileen ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna sidoo kale nolosha ku qabteen 6 kale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada jabka xoogan lagu gaarsiinayo kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda deegaanada howl-gallada laga sameeyey ee hoostaga Jamaame ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo halkaasi.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah gobollada ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhacay iska hor imaadyo geystay khasaare kala duwan.

The post Xubno ka tirsan Shabaab oo howlgal lagu dilay iyo kuwa kale oo nolosha lagu qabtay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this