Sign in to follow this  
Deeq A.

Guudlaawe oo mar kale go’aankiisa u caddeeyey musharaxiinta kuraasta ku harsan Beledweyne – Xog

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta mar kale kulan la qaatay inta badan musharixiinta u taagan 11-ka Kursi ee ku harsan magaalada Beledweyne ayaa u caddeeyey mowqifkiisa.

Kulanka oo ka dhacay madaxtooyada HirShabelle ee Beledweyne ayaa ahaa kulan qaatay waqti badan, wuxuuna madaxweyne Guudlaawe mar kale u caddeeyey musharixiinta inaan la xiri doonin kuraasta taala Beledweyne.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) kaasoo diidan in kuraassta la furo, waxayna warar la helayo sheegayaan inuu weli diidan yahay go’aanka uu ku adkeystay Guudlaawe.

Dabageed ayaa ku xiran Villa Somalia, oo dooneysa in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan gobolka aanay dib ugu soo laaban Golaha Shacabka.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa musharixiinta ka codsaday inay xaaladda dajiyaan, islamarkaana ay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sugidda amniga Beledweyne inta ay ka dhaceyso doorashada.

Musharixiinta ayaa aqbalay codsiga madaxweynaha HirShabelle, waxayna sidoo kale uga mahad celiyeen inuu ku adkeystay go’aankiisa xilli ku xigeenkiisa uu rabo in la boobo kuraasta harsan.

Intii uu kulanka socday ayaa waxay is rasaaseyn dhex martay qaar ka tirsan ilaalada musharixiinta iyo ciidamada HirShabelle, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho oo gaareysa ilaa 2 qof oo mid ahaa askari halka qof kalana uu ahaa shacab.

Xaaladda Beledweyne ayaa labadaan maalin ah mid kacsan, waxaana soo buux dhaafiyey ciidamo tiro badan oo u abaabulan hab beeleed kuwaas oo diidan in kuraasta loo xiro dad gaar ah.

The post Guudlaawe oo mar kale go’aankiisa u caddeeyey musharaxiinta kuraasta ku harsan Beledweyne – Xog appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this