Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadalka Madaxweynaha Maxaa Loo Turjuman Karaan Imisa Farriimood Ayuuse Dirayey?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in saddexda doorashada ee Somaliland la sugayo in ay qabato ay u soo horreynayso ta Ururrada, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynuhuye,  “Saddexda doorasho ee inagu soo socda waxaa ugu soo horaysa tii Ururada haddii Alle yidhiaahdo Bisha June waxay guddidu ku dhawaaqi doontaa in la diiwaan gelinayo Ururadii oo waa la tartamayaa, Saddexda Xisbi ee jiraa waxay la xuquuq noqonayaan Ururadaa bilaabmay, waa in Ururadii tartamaan Saddex Xisbi ayaa soo baxaya, 13 November waxaa dhacaysa sida waajibku yahay tii Madaxtooyada sidii laysu waajin lahaa waa hawl u taala qaranka, waxaa ku xigta Guurtidii Insha allaahu, iyaduna waxay noqon doontaa in lasoo xulo oo aynaan doorasho badan gelin taa lafteedu waa hawl badan”. Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Marka laga yimaado hadalka Madaxweynaha oo qaybo ka mid ahi  oo ka hor imanayaan Xeerka Nidaamka Ururrada ee Xeer 14/2011,  tusaale ahaan marka uu ka hadlayo in saddexda Xisbi Qaran la xuquuq yihiin Ururrada la diiwaan gelinayo iyo in Ururrada tartama June sadex Xisbi ka soo bixi doonaan, ay geli doonaan doorashada Madaxtooyada,  taas oo macnaheedu yahay saddexda Xisbi ee hadda jira in muddo xileedkoodii hore loo soo dhigayo.

Waxa jira farriimo kale oo siyaasi ah oo marka loo eego hadalkan Madaxweynuhu dirayey, kuwaas oo u dirayey dhinacyo kala duwan.

Haddii aynu ku horreynu dhinaca koowaad ee farriintani ku socotay, waxa la rumaysan yahay in ay yihiin Siyaasiyiin iyo xubno ay Madaxweynaha fikir wadaag ka ahaayeen dhinaca furista Ururrada Siyaasadda, kuwaas oo toddobaadyadii u dambeeyey ka shakiyey in Madaxweynuhu aanu daacad ka ahayn arrinta furista Ururrada Siyaasadda, ka dib markii madaxweynuhu hadal haynta ururrada muddo yar istaagtay ka hadalkeeda dhinaca madaxweynaha iyo Xukuumaddu.

Arrintan, waxa shakiga ku sii kordhiyey Kulamo dhex maray Madaxweynaha iyo Murrashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, kuwaas oo muddo laba toddobaad gudahood ah laba kulan yeeshay.

Waxa farriintan yadadiilo gelisay xubno siyaasiyiin ah oo muddooyinkii u dambeeyey arrintan u ololeynayey, kuwaas oo farriinta madaxweynuhu u muujisay in aanay dhiiqo cagaha la gelin ee ay hawshu sidii tahay, xaqoodii distuuriga ahaana ay heli doonaan.

Farriinta kale ee la aamisan yahay in hadalka Madaxweynuhu dirayey, ayaa ah mid dareen iyo kala shaki ka dhex abuuri karta Xisbiyada Mucaaradka dhexdooda, madaama oo Kulammadii Madaxweynaha iyo Murrashaxa Waddani aan la ogeyn xog rasmi ahna aanay ka bixin, taasina waxa ay keento kala shaki ka dhex abuurmi kara Mucaaradka guddahooda iyo taageerayaasha laftoodaba, iyada oo hadalkan Madaxweynaha loo fasiran karo Murrashax Waddani iyo Madaxweynuhu ka wada socdaan.

Farriinta kale ee hadalkan uu xambaarsanaan karo, ayaa ah in Madaxweynuhu kaga cadhaysiinayo Mucaaradka, madaama oo saddexda Xisbi iyo Komishanku isla qaateen in la bilaabo diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, isla markaana wakhti ka bilaabaya bishan aynu ku jirno illaa July lagu dhamaystiro Diiwaan gelinta iyo Kaadh qaybintaba.

Haddii hadalkan Madaxweynuhu ka cadhaysiiyo Mucaaradka, waxa ay taasi horseedi kartaa in buuq iyo khilaaf cusub la galo, taasina ay keento in ay saameyso qorshaha loogu diyaargoobayo doorashooyinka ee diiwaan gelintu u horreyso.

Farriinta kale ee hadalkan Madaxweyne Biixi, xambaarsan yahay, ayaa la rumaysan yahay inuu ku socdo Beesha Caalamka oo iyagu dhinacyada ku cadaadinayey in ay abuuraan weji wada hadal, maadaama oo la wada hadlayna ay hawluhu u soconayaan oo la isku afgartay sida uu hadalka u dhigay.

 Waxa iyaguna jira dad aamisan in farriintani tahay mid Madaxweynaha iyo Mucaaradku isla ogyihiin oo loogu madax buuxinayo Siyaasiyiinta iyo Xubnaha doonaya in ay ururrada Siyaasadda furtaan.

Inkasta oo hadalka Madaxweynuhu abuurayo dood sharci, haddana waxa uu muujinayaa inuu weli taagan yahay halkii uu taagnaa saddex bilood ka hor.

Si kastaba ahaatee,  Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa ah hoggaamiye ay siyaasaddii akhri kari la’yihiin Mucaaradka iyo taageerayaashiisuba kuwaasoo ku dawakhay qorsheyaashiisa siyaasaddeed ee la xidhiidha xaaladdaha taagan wakhtigan, ee ay ka midka tahay Furista Ururrada siyaasadda, doorashada Madaxtooyada iyo arrimaha Xisbiga KULMIYE.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this